Natiijo noocee ah ayaa kasoo baxday waanwaantii laga dhex waday Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa dhawr maalin Soomaaliya hareeyey khilaaf weyn oo ka dhashay ansixinta Golaha wasiirada kaasoo keenay inay fikrado kala duwan ka dhiibtaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Haddaba sida aan saakay idinla wadaagnay, waxaa jiray kulamo ay qaateyn madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo ay soo agaasimeyn guddi ka tirsan Baarlamaanka oo xalinayey Khilaafkaas.

Haddaba wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayso in khilaafkaas la dhameeyey laguna qanciyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari in xukuumadda la horgeeyo Baarlamaanka isla markaasna la ansixiyo.

XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diray fariimo loogu sheegayo inuu berri ku jiro kulanka Baarlamaanka isla markaasna uu Ra’isulwasaaraha hor keeni doono xukuumadda cusub iyo qorshahiisa.

Prof. Jawaari ayaa is jiidjiid badan kadib lagu qanciyey inuu aqbalo wasiirada ay soo go’aamiyeen madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha maadaama uu soo fuulay culeys aad u weyn markii uu la kulmay cambaareyn badan oo kaga timaaday siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda iyo kuwa aan xil heyn.

Haddaba sida ififaalaha muujinayo golaha wasiirada ayaa la filayaa in berri la ansixiyo inkastoo ay jiraan xildhibaan qaar oo weli kasoo horjeedo, haddana sida muuqato ma gaari doonaan tiro go’aamin karto in xukuumadda la diido.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgeli doono kulanka jaamacadda Carabta, waxayna midaas kuu muujineysaa kalsoonida uu madaxweynaha ku qabo ansixinta wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com