Laascaanood (Caasimada Online) – Shirweynah dhameystirka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan ka socda Laascaanood ayaa lagu gaaray natiijo wayn oo ku aadan sidii maamul-goboleed rasmi ah u yeelan lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag iyo waqooyiga Soomaaliya.
Shirka oo ay goobjoog ahaayeen odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo iyo kuwa Maakhir ee gobolka Sanaag iyo hoggaanka sare ee maamulka ayaa lagu dhisay guddiga ka kooban 15 xubnood oo ka shaqeyn doono xulisa ergooyinka soo dhisaya maamulka cusub.
Siddeed xubnood oo kamid ah guddigan ayaa waxaa laga keenay SSC, halka todobada kalena ay yihiin reer Maakhir, waxayna guda geli doonaan dhameystirka maamulka.
“Wadatashi dheer kabacdi waxaa kasoo baxay xubni guurti ah oo ka kooban 15 xubnood oo wadatashiga iyo hannaan socodka dawladnimo oo ay kumeel gaarnimada kaga baxayno, uguna gudbeyno State dhammeystiran ka qayb noqon doono” ayuu yiri mid kamid ah ka qayb-galayaasha Shirweynaha ka socdda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay Waxa weliba sidii loogu talagalay ayay ku socdaan 15-kaas xubnood 8 kamid ah waa reer SSC-khaatumo, todobo xubnoodna waa reer Maakhir ama reer Sanaag”.
Shirkan ayaa waxaa door weyn ka qaadaneyso Dawladda Federaalka oo horay aqoonsi buuxda u siisay SSC-Khaatumo, waxaase kasoo horjeedo Somaliland iyo Puntland.
Somaliland ayaa si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa Dawladda Soomaaliya ee Sool iyo Sanaag, waxayna farriin culus dirtay beesha caalamka.
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Beesha Caalamka ugu baaqaysaa in si dhaw loola socdo hurinta colaadda uu dhiig badani ku daadan karo oo uu Xasan Sheekh ka wado degaano ka tirsan Somaliland.” ayaa lagu yiri qoraal maanta ka soo baxay Somaliland.
Si kastaba ha’ahaatee, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.