Natiijooyinkii Kulamada caawa ee Uefa Champions League.

Real Madrid ayaa barbaro 2-2 ah la dhaafi weysay Borussia Dortmund ciyaar ka dhacday Estadio Santiago Bernabéu, Real ayaana goolka looga naxsaday daqiiqadii 28aad iyadoo uu ka dhaliyey da’yarka dalka Germany Marco Reus, ka hor inta uusan lix daqiiqo ka dib u barbareyn Pepe oo madaxa ku dhaliyey karoos uu ka helay Di Maria. Qeybta hore ee ciyaarta oo sii idlaaneysa ayaana waxaa kooxda martida hugaanka ciyaarta u dhiibay Mario Götze kaasoo si fiican shabaqa ugu hubsaday kubad ay qalad ku lahaayeen daafacyada Madrid.

 

Markii la isku soo laabtay Real Madrid ayaa si daran u raadisay goolka barbaraha laakiin qaxaa qasab ku noqotay inay sugaan ilaa dhamaadka ciyaarta iyadoo ay ciyaartoyda Los Blancos qasaariyeen fursado goolal loo fishay, waxaase neefta mar qura kasoo fujiyey Mesut Özil oo daqiiqadii 89aad dhaliyey laad xor ah oo uusan goolhayuhu taaban.

Ciyaarta kale ee isla Group-kan waxay dhexmartay Manchester City iyo Ajax kuwaasoo sidoo kale ku kala baxay barbaro 2-2 ah, City ayaa ciyaarta ku wareertay iyadoo ay hugaanka ciyaarta ku weysay markii uu laba gool ka dhaliyey Kabtanka Ajax Siem de Jong, ka hor inta uusan gool usoo celin Yaya Touré  daqiiqadii 22aad . sidaas ayaana lagu kala shah doontay.

Markii la isku soo laabtay City waaba laga ciyaar fiicnaa laakiin waxa goolka barbaraha u dhaliyey weeraryahankooda Sergio Agüero  daqiiqadii 74aad ka dib markii uu ka faa’iideystay kubad uu ka helay Mario Balotelli, City ayaana leh keliya sedax dhibcood waxayba qarka u saaran tahay inay ka harto Group-ka maadaama ay u muuqdaan Real Madrid iyo Borussia Dortmund kuwo kaalmaha koowaad iyo labaad kusoo kala bixi doona.

Schalke 04  ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Arsenal oo marti ugu aheyd Veltins-Arena, inkastoo goolasha looga hormaray kooxda reer Jarmal markii ay Theo Walcott iyo Olivier Giroud daqiiqadihii ’18 iyo 26aad ka kala dhaliyeen, nasiib ayey u laheyd inay hesho gool ciyaarta oo aysan dhaman qeybta hore waxaana u dhaliyey Klaas-Jan Huntelaar.

Qeybtii labaad ayaa waxaa Arsenal u mooday inay wa xoogaa ka awood yaraatay sidii ay ciyaarta kusoo bilaabatay taasoo sabab u noqotay inuu Jefferson Agustin Farfán ka barbareeyo hugankooda waxaana ay ciyaartu kusoo dhamaatay sidaasi.

AC Milan  ayaa barbaro 1-1 ah Stadio Giuseppe Meazza kula dhaafi weysay Malaga waxayna taasi cadaadiska kusoo kordhisay tababare Massimiliano Allegri, xilli ay kooxda reer Spain qarka u saaran tahay inay tiigsato wareega 16ka.

Eliseu ayaa Malaga hugaanka u dhiibay dhamaadkii qeybtii hore, balse waxaa ka barbareeyey Alexandre Pato daqiiqadii 73aad.

Ciyaaraha kale Dynamo Kiev ayaa 0-0 la dhaafi weysay Porto, Paris Saint-Germain waxay 4-0 ku dubatay Dinamo Zagreb, Olympiakos waxay 3-1 isaga reebtay Montpellier Anderlecht-na waxay 1-0 ku garaacday kooxda Ruushka ee Zenit.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.