Netanyahu oo booqasho ku tegay Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Israel, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, xilli aysan labada dhinac midkood shaacin safarkaas, halkaasi oo uu kulan kula qaatay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman.

Sida ay werisay warbaahinta Israel, safarka Netanyahu ayaa dhacay maalintii Axadda.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlay xiriirka labada dhinac, xili ay dalalka carabtu ay heshiis nabadeed la galeen Israel oo ay kala dhaxeysay xiisada Falastiin, midaasi oo uu gadaal ka riixayay Donald Trump.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka Netanyahu iyo Maxamed Bin Salmaan uu goob joog ka ahaa xoghayah arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeao.

Inkasta oo aysan jirin warar rasmi ah oo ku aadan kulankaasi oo kasoo baxay labada dhinac, ayaa haddana waxa jira qoraal uu Twitter-ka soo dhigay, la taliyaha Netanyahu (Topaz Luk) oo u muuqday mid uu ku sheegayo in kulan uu dhacay.

Warbaahinta Israel qaarkeed ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn ee kulanka uu ahaa sidii Sacuudiga looga dhaadhacsiin lahaa inay xiriir la yeelato maamulka Yahuuda.

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay.

Dowladda Sacuudiga ayaa laga yaabaa inay kusoo biirto wadamada aqoonsaday Israa’iil maadaama culeys badan ay kala kulmeyso Mareykanka iyo Israel.