Netanyahu oo wajahaya weji gabax weyn – Maxaa cusub?

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo la xiriira doorashada maamulkaasi, ayada oo uu weji gabax kala kulmay madaxda sare ee Yahuudda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka ee Maraykanka Chuch Schumer oo ah masuulka ugu sarreeya ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Yuhuudda ee xil ka haya Maraykanka ayaa shalay ugu baaqay Israa’iil inay qabtaan doorasho cusub.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “ambaday”, gaar ahaan marka laga hadlayo habka uu u maareeyey duqaynta marinka Gaza.

Schumer, oo wakhti dheer taageere u ahaa dalka Yuhuudda ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu halis gelinayo dalkiisa, isaga oo ka dhigaya dal laga fogaado marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Xamaas weerarka ku qaadday Israa’iil ee ay dishay illaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, sidoo kalena ay kaxaysteen 240 kale, waxaa Israa’iil ay qaadday weerar rogaal celin ah, iyaga oo dilay in ka badan 31,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.