Netherlands oo Maxamed Midnimo u magacowday qunsulkeeda Soomaaliya

Amsterdam (Caasimada Online) – Boqortooyada Netherlands ayaa markii ugu horeysay u magacowday muwaadin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya inuu noqdo qunsul sharafeed u matala danaha Netherlands ee Soomaaliya.

Maxamed Bashiir Cismaan oo ku magac dheer Midnimo, horayna ugu mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida Netherlands iyo Soomaaliya, ayaa noqday qunsul sharaeedka boqortooyada Netherlands ee Muqdisho, isagoo lagu soo xushay dadaalkiisa iyo isku xirka ganacsi iyo xiriir ee Soomaaliya iyo Netherlands.

Magacaabistaan ayaa loo arkaa horumar la taaban karo oo lagu kobcinaayo xiriirka u dhaxeeya Netherlands iyo Soomaaliya, islamarkaana lagu xoojinaayo xiriirka qurba joogta Netherlands iyo Soomaalida ku sugan dalka ee sii kordhaya.

Maxamed Bashii iyo Boqorka Holland King Willem-Alexander
Maxamed Bashii iyo Boqorka Holland King Willem-Alexander

Howsha ugu muhiimsan ee Maxamed Bashiir ayaa noqon doonta isku xirka muhiimka ah ee u dhaxeeya Netherlands iyo Soomaaliya, gaar ahaan qurba joogta dalka timaada iyo arrimaha kale ee danaha Netherlands.

Maxamed Bashiir oo ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuu Netherlands tegay wixii ka danbeeyay 2006-dii, isagoo halkaasina waxbarashada luuqada iyo tan asaasiga ah guul ka gaaray.

Sanadkii 2016-kii wixii ka danbeeyay ayuu magaalada Muqdisho ka hirgeliyay shirkad ganacsi oo la yiraahdo Daa’uus, taasoo guul gaartay, kadibna wuxuu ku guuleystay inuu hirgeliyo xiriirka Soomaalida Netherlands ee dalka yimaada iyo isku xirka safaaraddooda isagoo hal abuuray “Guriga Oranje ama Guriga Holland,” ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Maxamed Midnimo wuxuu ka mid ahaa suxufiyiintii da’da yar ka shaqeeeyay Muqdisho ee tegay Netherland, mihnadoodadana halkaasi kasii watay markii uu dalkaasi magangelyada ka helay.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online