New York (Caasimada Online) – Nikolase Kay , Danjiraha QM u Fadhiya Soomaaliya oo ka hor hadlay Golaha Amaanka QM ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya iyo Dib u dhacyo uu sheegay in ay ka jiraan Soomaaliya.
Nikolase Kay ayaa sheegay in ay jiraan Dowladdo badan oo daneeya Arrimaha Soomaaliya islamarkaana hada walwal ka qaba Xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo in Sanadka 2016-ka Dalka ay ka Dhacdo Doorasho Madaxtinimo oo Dadka ay Codkooda dhiibtaan.
U qaabilsanahay QM Arrimaha Soomaalya Mr Kay ayaa intaa ku daray in Arrimahaasi ay Sabab u yihiin Khilaafyo wali ka jira Dalka iyo Xukumaddii oo aan Shaqeyn mudo 4 Bilood ah,sidaa daraadeedna uu Gaabis ku yimid Qorsheyaal dhowr ah.
Nikolase Kay ayaa dhowr jeer sheegay in Hiigsiga 2016-ka gaaritaankiisa ay ku hor gudban yihiin Caqabado dhowr ah,waxaana uu sheegay in loo baanah yahay in laga gudbo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com