28.7 C
Mogadishu
Saturday, December 13, 2025

Dab markale ka kacay degmada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar(Caasimada Online) – Waxaa markii labaad uu dab ka kacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo sababay burbur hantiyadeed.

Wararka aan ka helayno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay markii labaad kaalin shidaal oo ku taala bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe.

Dabka ayaanan ilaa iyo hadda si dhab ah loo  ogeyn waxa sababay kicitaankiisa, waxaana la sheegayaa in muddo badan uu ka socday goobta uu ka kacay ee kaalinta shidaalka.

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay inay markii dambe ku guuleysteen inay dambiyaan dabka oo socday muddo labo saac ku dhow, sida wararka ay sheegayaan.

Dhawaan maamulka gobolka Banaadir ayaa maamulka Shabeelaha dhexe ku wareejiyay shaqaale dab damis ah iyo hal gaari oo nooca dab damiska ah, waxaana la sheegay in gaadiidka uu ku yaryar yahay Shabeelaha dhexe.

Maamulka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay inay baarayaan qasaaraha ka dhashay dabka maanta ka kacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News