Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa baaq u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kadib markii xalay lasoo dhameystiray golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanada ayuu ka dalbaday inay ansixiyaan xukuumada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, isagoo sheegay in dalka muddo badan dalka uu ahaa xukuumad la’aan.
Xildhibaanada ayuu ku qanciyay inaysan suurto gal aheyn inay xukuumada ka wada midnoqdaan, laakiin xukuumada ay kamid noqdeen dadkii xaqa u lahaa iyagana ay xaq u leeyihiin inay xilal helaan.
“Waxaan markale ka dalbanayaa xildhibaanada baarlamaanka inay ansixiyaan golaha wasiirada cusub maadaama dalka xukuumad la’aan ahaa muddo badan, sidaasi daraadeed waxaan ka dalbanayaa sida ugu haboon uguna dhaqsiyaha badan u ansixiyaan”.
“Intii aan xukuumada iska arag ma ahan inaysan xaq u laheyn, ma ahan inusan mudneyn laakiin intaasi ayaa idib mataleysa, mana ahan in todobaadyo iyo waqti kale uu naga lumaa”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
Xukuumada xalay uu soo dhameystiray Cumar C/rashiid ayaa waxaa inta badan ay ka socdaan dhanka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ka dhigan tahay qorshaha lagu qancinayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

