Baydhabo (Caasimada Online) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nichalas Key ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee gobalka, wuxuu kulan la qaatay odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle.
Sida illo ku dhow-dhow kulankaas u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, waxaa kulanka inta badan looga hadlay sababta ka dambeesa in shaley magaalada uu ka dhaco bannaanbax looga soo horjeedo heshiiskii dhawaan dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe ay ku gaareen Addis Ababa.
Afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle, Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo la hadlay Idaacadda Radio Baydhabo, ayaa sheegay in danjire Key ay kala hadleen sida ay uga xun yihiin heshiiska dowladda iyo Axmed Madoobe ku gaareen Addis Ababa.
Wuxuu sheegay in heshiiskaas in ay taageeraan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in uu ahaa qalad, waayo wuxuu yiri Axmed Madoobe wuxuu ahaa hoggaamiye Jabhad oo xoog ku qabsaday Kismaayo.
“Nicholas Key waxaan u sheegnay in aan raali ka ahayn in Nin meesha uu ka yimid aan la aqoon in loo aqoonsado madaxweyne, eed baan u jeedinay QM iyo Midowga Afrika taasoo ah in aysan diyaar u ahayn in maamul u dhisaan dadka ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool, waxaan kulan yeelanay muddo seddax saac, wuxuu noo sheegay in fariinteena uu gaarsiin doono meelo badan” ayuu yiri Malaaq Shiino afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle.
Mar la weydiiyay in ay ka laabteen go’aan shaley ay ku dhawaaqeen oo ah in ka go’een dowladda Soomaaliya isla markaana xildhibaannada iyo wasiirada ay ku lee yihiin dowladda la soo bixi doonaan?
Wuxuu sheegay in go’aankooda uusan wax iska badalin isla markaana ay ku taagan yihiin go’aankooda, wuxuuna sheegay in maalinta barri in ay sugayaan wafdi xildhibaanno iyo wasiiro ah oo ka soo jeeda Baay iyo Bakool in ay tagi doonaan Baydhabo.
Si kastaba, waxaa dad xog-ogaal ah ay lee yihiin bannaanbixii shaley ka dhacay Baydhabo waxaa ka dambeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan afhayeenkii hore ee baarlamaanka, waxaana arrintaas la og Proff Maxamed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dowladda ilaa hadda kama hadlin bannaanbixii shaley, in kastoo maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay bannaanbax lagu soo dhaweenaayo heshiiskii Addis Ababa.
Waxaa dibadbixii maanta Muqdisho ka dhacay ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Baydhabo

