Soomaali tagtay dal aysan Soomaalidu tagi jirin oo si xun la yeelay

Bulgaria (Caasimada Online) Wasaaradda  arrimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa maanta Axad sheegtay in ciidamada ammaanka dalkaas ay gacanta ku dhigeen 24-kii saac ee la soo dhaafay 106-qof oo sharci daro ku socotay kuwaasoo laga soo qabtay soohdinta waddamada Bulgarian iyo Turkiga.

Dadkan 79-ka mid ah waxay u dhasheen dalka Syria, waxaa kaloo jira 13-qof oo Soomaali ah,siddeed qof oo Maali ka soo jeeda iyo lix qof oo u dhashay dalka Iiran.

Sida ay lee dahahay wasaaraddaa arrimaha gudaha Bulgaria, kooxdan sida sharci darada u socotay ayaa 55-ka mid ah waa rag, halka 15 ay yihiin dumar 66-da kale waa carruur.

Waxaa hadda lagu hayaa xarun kumeel gaar oo ku taalla deegan u dhow soohdinta Turkiga, taasoo lagu magacaabo Elhovo oo ka tirsan dalka Bulgaria.

Ugu dambeen warka ka soo baxa wasaarada arrimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa lagu sheegay in dumarka iyo carruurta loo fidiyay daryeel caafimaad maadama ay in muddo ah ku soo jireen safar dheer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London