Soomaali dal ay u nolol doonteyn uu ku noqday xabaalo, (Dilal hor leh)

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay in siyaabo kala duwan loogu dilay dalkaas ilaa shan qof oo Soomaali ah.

Dhallinyaro joogta dalka Koonfur Afrika ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in seddax dhallinyaro Soomaali ah saakay aroortii ay ku dhinteen dad la qabadsiiyay guri ay daganaayeen oo ku dhow garoonka diyaaradaha Johannesburg.

Sida ay u dhinteen dhallinyaradan ayaa ka soo baxaysa warar kala duwan, warka qaar waxa ay lee yihiin waxaa ay u dhinteen seddax dhallinyarada markiii uu dab ka kacay qol ku dhowaa Bakhaar ay yaaleen Shidaal. halka wararka qaar ay lee yihiin waxaa jira dab holcaya oo looga soo tuuray daaqada qolka ay jiifeen sidaasna uu dabka ku faafay guriga ay daganaayeen oo ay markii dambe ku dhinteen.

Shabakadda Caasimada Online oo heshay magacyada seddaxda dhallinyara ee shilkaas ku dhintay

Dhallinyaradana ayaa magacyadooda lagu kala sheegay

1-Cabdulaahi Maxamed

2-Bashiir Xuseen

3-Shaafi Axmed.

Waxa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro dukaamo ku leh goobta dabka la qabadsiiyay oo u dhow garoonka diyaaradaha Johannesburg, waxaana markii falka uu dhacay soo gaaray goobta ciidamada ammaanka, kuwaasoo baaritaan ka sameeyay goobta.

Falkan waxaa aad uga naxay Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika kuwaasoo noqday dil u joog, waxaana ay sheegeen in qaar badan oo ah dhallinyarada Soomaalida ee ku ganacsanayay magaalooyinka dalka Koonfur Afrika in ay dib ugu laabteen dalkii hooyo ee Soomaaliya.

Dhallinyaro badan ayaa lagu arkayaa garoomada diyaaradaha dalka Koonfur Afrika kuwaasoo goosanaya Warqad ay ku qoran tahay (GO HOME ).

Dhinaca kale, kooxo burcad Koonfur Afrikan ayaa labo wiil oo Soomaali ku dilay gobalada dalkaas, kaddib markii ay isku dayeen in ay boobaan goobo ganacsi oo ay lahaayeen.

Ma jirto cid wax ka qabta dilalka iyo boobka joogta ah ee lagu hayo Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi