Nidaamka Cadaaladda ee Muqdisho:- Wax baa iga farxiyay shalay !!!!!

Ma rabo inaan wax badan irahado, hase yeeshee waxaan iftiiminayaa dhacdo shalay lagu daabacay Caasimada Online, oo miisaankeedu ila weynaaday, oo aan doonayo in idinkuna aad ila dareentaan.

Mararka qaar waxaa jira waxyaabo marka aad dusha sare ka eegto kuula muuqda wax iska caadi ah, haddana marka aad u kuur gasho aad ka ogaan karto arrin miisaan culus leh.

Waxaa taas la mid ah Dacwaddii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyay ee ka dhanka ahayd Idaacadda Shabelle.

Marka meel la iska dhigo waxa ka dhaxeeya Tarsan iyo Shabelle, waxa ay tallaabadaas ku tuseysa nidaam caddaalaeed oo kasoo ifaya magaalada Muqdisho, oo ereyga caddaalad uu mar u muuqday mid laga hilmaamay.

Aqrsite ka feker, marka Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dacweeyo Idaacad uu si fudud alabaabada isugu dhufan karo, isaga oo awoodiisa adeegsanaya, sida madaxda Soomaalida lagu yaqaan

Waa arrin runtii lagu farxo. Ma ahan in lagu farxayo dacwada ka dhanka ah Shabelle, ee waxaa farxad mudan in hab sharci uu kasoo muuqanayo Muqdisho.

Idaacadda Shabelle, oo ah mid inta badan muran badan abuurta sababo la xiriira wararkeeda oo dad badan u arkaan kuwa si xun wax u sheeg ah, ayaa sidan oo kale waxa ay 2007 isugu dhaceen Dowladdii Cabdullahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi.

Xilligaas ayaa weriyayaashii Shabelle dhammaantood xabsi si kooban loogu shubay, idaacaddana albaabada la isgu dhuftay, balse Tarsan sidaas ma sameyn oo waxa uu Shabelle la tiigsaday sharciga, oo ay ku kala bixi doonaan

Tani waxa ay ku tusesaa in is-beddel weyn iyo hurmar dhinac walba ah uu kasoo ifiyo magaalada caasimada ah, waana wax loo riyaaqo.

Ka dhiibi fikirkaaga sida ay kula tahay Tallaabada uu qaaday Tarsan.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alaxmed