Nidaamka ugu habboon oo Soomaaliya doorasho qof iyo cod ah uga dhici karto

Jaangoynta Xildhibaananda matalaadda Baarlamaanka FS (PR CL) waxaa aasaas u ah tirada dadka ku nool dalka isla markaana ku saleysan sahankii la sameeyay 2014-kii 12,316,000 loo qaybiyay 275 kursi, oo noqonaysa 45,000 oo qof inuu matalayo halki xildhibaan ee ka mid ah golaha shacabka, xadeynta deegaan doorashada wadarta ah, (multi-Constituency) waxaa lagu saleeyaa in dalka loo qaybiyo, deegaan doorashooyin badan oo isku xiran, deegaan doorashada wadarta ah waxay udhigmaan goobaha ay dagan yihiin dadka ka badan tirada loo qoondeeyay matalaadda shacabka, shuruudaha helitaanka deegaan doorashada waxaa asal u ah tirada shacabka ku nool deegaan kasta marka ay gaaraan tirada qoodada matalaadda golaha shacabka.
Soomaalida deggan Soomaaliya waxaa ay ku heshiisay  in beelaha ay kawada dhex muuqdaan masraxa siyaasadda gaar ahaan qabiillada laga tirada badan yahay, sida ku heshiiskii Carta 2000 ee loogu magac daray 4.5, iyo qoondada dumarka si ay uhelaan matalaadda siyaasadda iyo xilalka dowliga, waxaa qasab ah in heshiiskan la dimoqraadiyeeyo si beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarkaba xisbiyada siyaasadda uga helaan matalaad dhammeystiran, waa in aan qeexno qaabka ay ku helayaan matalaad ku salaysan boqoloyda qoondeysan, ee macnaheedu yahay in xisbi walba laga doonayo in musharixiintiisa ka dhex-muuqdaan beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarka.
Qoondada tirada kuraasta xildhibaannada deegaan Doorashada wadarta ah waxaa asal u ah heshiiska boqoleyda oo loo qoodeeyay beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarka, annagoo ka duuleyna qaabka dhismeedka Baarlamaanka federaalka hadda jira ee ah 4.5, iyo tirada boqoleyda ah ay ku leeyihiin dadka laga tirada badan yahay iyo dumarkaba, waxaan fahmi karnaa qoondada laga doonayo tirada musharaxiinta xildhibaannada xisbiyada ee labadan kooxood, baarlamaanka federaalka xaalada hadda jirta wuxuu uqaybsan yahay, sida hoos ku qoran.
Qaabka Baarlamanka FS 
Xildhibaannada Raga ah waa 70% una dhiganta 193 Xildhibaan.
Xildhibaanada Dumarka ah waa 30% una- dhiganta 82 Xildhibaan
Guud ahaan waa 193 + 82 = 275 Xildhibaan, marka aan uqaybino beelaha laga tirada badan yahay iyo beelaha tirada badan waxay kala noqonayaan sida soosocota.
Beelaha tirada badan waa 89% una dhiganta 244 Xildhibaan.
Beelaha laga tirada badan yahay waa 11% una dhiganta 31 Xildhibaan.
Guud ahaana tirada 244 + 31 = 275 Xildhibaan.
Xisaabta kor xusan waxaa ay iftiiminaysaa  liiska musharaxiinta Xisbiyada laga doonayo in noqdaan sidan.
Xisbi walbo waxaa laga doonayaa in liiska musharaxiintiisa tartanka doorashada uga qayb galaysa ay noqoto  sidan:
Beelaha Tirada Badan 89% (una dhiganta 62% Rag ah + 27% dumar ah).
Beelaha Tirada Yar 11% (una dhiganta 7% rag ah+3% dumar ah)
Shaxdan waxaan ka fahmaynaa in deegaan doorashooyinka Soomaaliya ay ku haboon tahay in loo qaybiyo 7 deegaan doorasho, Tusaale ahaan in  halki maamul-goboleed uu noqdo hal deegaan doorasho, qoondada kuraasta xildhibaannada lagu saleeyo tirada dadka kunool maamul-goboleed walba sida hoos ku qeexan.
Somaliland 78 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan Somaliland 69 xildhiban
(48 xildhibaan rag ah, iyo 21 dumar ah)
Beelaha Tirada Yar ee somaliland 9 xildhiban
(6 xildhibaan rag ah, iyo 3 xildhibaan dumar ah)

Puntland 24 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan puntland 21 xildhiban
(14 xildhibaan rag ah, iyo 7 dumar ah)
Beelaha Tirada Yar ee Puntland  3 xildhiban
(2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah)

Gal-Mudug 29 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan Gal-Mudug 26 xildhiban
(18 xildhibaan rag ah, iyo 6 dumar ah)
Beelaha Tirada Yar ee Galmudug 3 xildhiban
(2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah)

Hirshabelle 24 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan Hirshabelle 21 xildhiban
(14 xildhibaan rag ah, iyo 7 dumar ah)
Beelaha Tirada Yar Hir-Shabele 3 xildhiban
(2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah)

Gobolka Banaadir 37 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan G/Banaadir 33 xildhiban
(23 xildhibaan rag ah, iyo 10 dumar ah)
Beelaha Tirada Yar Banaadir 5 xildhiban
(3 Xildhibaan rag ah, iyo 2 xildhibaan dumar ah)

Koonfur Galbeed 53 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan K/Galbeed 47 xildhiban
(33 xildhibaan rag ah, iyo 14 dumar ah)
Beelaha Tirada yar K/galbeed 6 xildhiban
(4 xildhibaan rag ah, iyo 2 xildhibaan dumar ah)

Jubbaland 30 xildhibaan

Beelaha Tirada Badan Jubbaland 20 xildhiban
(14 xildhibaan rag ah, iyo 6 dumar ah)
Beelaha Tirada yar Jubbaland 10 xildhiban
(6 xildhibaan rag ah, iyo 4 xildhibaan dumar ah)
Deegaan Doorashada lagu xadeeyay maamul goboleedyada, waxaa ay muhiim u tahay in dadka ay soo doortaan xisbiyo si rasmi ah umatalada deegaannadooda isla markaana  la xisaabtami karaan, Qoondada dumarka iyo qoondada beelaha laga tiro badan yahay, waxaa lugu cabirayaa tirada boqolleyda ah ee isku dheelli tiran ee Xisbiyada kaga qayb-galayso tartanka doorashada, iyo isku dheellitirka beelaha liiska Musharixiinta tartamaysa, Xisbiyada waxaa laga doonayaa in ay ku saleeyaan tirada liiska musharaxiinta tartamaysa tirada kuraasta loo qoondeeyay deegaan doorashada wadarta ah ee kor ku xusan.
NIDAAMKA DOORASHADA SAAMI QAYBSIGA, KU DHISAN LIISKA XIRAN EE DEEGAAN DOORASHO WADARTA ISKU XIRAN AH, WUXUU NOQONAYAA 7 DEEGAAN DOORASHO KALA AH, (78+24+29+24+37+53+30=275).
Xisbiyada ka qayb galaya tartanka deegaan doorashada maamul-goboleedyada lagu xadeeyay, waxay saami boqolley ah u helayaan kuraasta udhiganta codka ay ka heleen deegaan doorashada laxadeeyay oo kaliya, boqolley ah, marka latiriyo guud ahaan codadka ladhiibtay, haddii aan tusaleyno sida tirada codadka loogu beddelo  kuraasta waxay noqonaysaa.
Tirada dadka kunool Hirshabelle waa 1,036,721
Tirada dadka kaararka codeynta qaatay 319,467
Tirada Dadka sida rasmiga uga codeeysay Hirshabele, 287,569
Tirada Kuraasta loo tartamay 24 kursi
Tirada Xisbiyada tartantay 3 Xisbi.

287,569/24 = 11,982.

Xisbi kasta ee helaa cadad cod gaaraya 11,982 cod wuxu helayaa hal kursi.
Xisbiga Qurac wuxuu helay 87,238 cod waxaa loo qaybinayaa 11,982 (87,238/11,982=7)

Xisbiga Qurac wuxuu helay 7 kursi.

Xisbiga Aqab  wuxuu helay 158,446 cod, kuraasta saamigiisana waa 13 kursi ( 158,446/11,982=13).

Xisbiga Qansax wuxuu helay 41,885 cod udhiganta 4 kursi (41,885/11,982=3.49).

Xisbiga, Qurac 7 xildhibaan
Xisbiga Aqab 13 xildhibaan
Xisbiga Qansax 4 xildhibaan
Wadarta kuraasta 24 = (7+13+4)
Nidaamkan Doorashada ayaa ah midka ugu habboon ee Soomaaliya ku fiican marka laga fiiriyo dhinac walba iyo duruufaha siyaasadeed iyo amni ee dalka kajira, cadaaladna kudhisan yahay, dadkana fahmi karaan, xisbiyada badana fursad u siinanaya in ay utartamaan doorashada, waxaa kaloo adag in lamusuqo deegaan doorashooyinka,isla markaana dabagal lagu sameyn karo qaladaadka ku yimaada hannaanka farsamada doorashada.

W/Q: Abdirahim Ahmed Dhagey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid