Nin ceynkee ah buu ahaa Sheekh Macallin Nuur Maxamed Siyaad, AUN?

Waxaa ayaan darro ah in Soomaalidu ay ku mashquulaan qoraalada Siyaasada, balse dad badan ay ilaawaan Culimaddii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb qaadatey fidinta diinta islaamka, culimadaas oo aan la soo koobi Karin ayaan qoraalkeyga ku xusayaa Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ku caan ahaa Fidinta Diinta islaamka iyo Deeqsinimo.

Macalinka wuxuu ku dhashey magaalada Xarar Dheere 1921 kii. Wuxuuna Xamar soo galey isagoo 17 jir ah, isla xiligaasna wuxuu bilaabey fidinta diinta islaamka. Dugsiyadii uu dhisey ayaa kor u dhaafey 1000 dugsi oo dhamaan gobolada soomaaliya uu ka diyaariyey , iyadoo dowladdii xiligaas jirtey iyo kuwii ka dambeeyeyba ay ku eedeysey in caasimaddii uu u bedeley obasiibo, bacdamaa dugsiyada ay ka sameysnaayeen tiirar la isi saarey.

Wuxuu kaloo diyaariyey 70 Mowlac oo lagu baahiyo diinta islaamka. Macalinka ayaa diyaariyey 33 masjid oo waaweyn, ahna masaajidada salaadd jimcaha lagu dukado. UMADDA SOOMAALIYEED WEXEY KA MARQAATI TAHAY IN DHUL GAARAYO 350 BOOS OO HALKII BOOSBA UU KA KOOBAN YAHAY 20 MITIR OO DHIRIR AH IYO 20 MITIR OO BALAC AH IN UU UGU DEEQEY DADKA KU GEERIYOODO XAMAR IYO NAWAAXIGIISA (QABUURAHA MACALIN NUUR) QOF QALBO OO SOOMAALIYEEDNA WUU YAQAANAA.

Wax qabadka macalin nuur kuma ekeen soomaaliya oo qura balse wadamo badan ayey gaartey oo ay ka mid ahaayeen  Kenya, Keptown, Jidda. Riyaad iyo meelo badan oo daafaha caalamka ah. Taariikhda Macalinka ayaan la soo koobi Karin, Balse umadda soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Macalin Nuur Maxamed Siyaad loo duceeyo.

Waxaa qorey: Abdulahi Said Elmi