Nin hubeysan oo toogasho ka geystay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa toogasho maanta ka dhacday bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, taas oo uu geystay nin hubeysan oo aan illaa iyo hadda heybtiisa la garanin.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu soo duubtay afka, kadibna uu laba qof ku dhaawacay xaafadda Maxamuud Haybe oo ka tirsan magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu rasaas ku furay wiil yar oo 15 jir ah, sidoo kalena inyar kadib uu nin oday ah oo ilaalo ka ah guri goobta ku yiilay uu sii xabadeeyey.

Labada qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, waxaana la soo wariyey inuu aad u daran yahay ninka odeyga ah oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta Galaydh Media ayaa ka warbixisay dhacdadaasi oo ay sheegtay inay ku beertay wal-wal xoogan.

“Anfariir ayay nagu noqotay xabadii way dhacday inankii yaraa ee jaarkiina ee Sakariye ayay ku dhacday ayaa nalagu yidhi, wuxuban anuu la kulmay ilmihii oo xabadii ku taalo oo meeshii yaraydna dhiigii leedahay” ayey tiri gabar goobjooge aheyd.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka falka geystay uu goobta ka baxsaday, markii uu fuliyey weerarka, mana cadda sababta uu u beegsaday labadaasi qof.

“Waxa la yidhi nin afka duuban oo cararaya ayuu ahaa, inamaduna waxay yidhaahdeen waanu soconaynay, anaga oo soconayna, ninku wuu naga danbeeyay xabadana wuu igu dhuftay” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa mar dambe gaaray goobtay, waxayna illaa iyo hadda wadaan howlgallo lagu baadi goobayo ninka ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan Somaliland ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka siyaasadeed ee hareeyey doorashada maamulkaasi.