Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday degmada Afgooye oo qiyaastii Muqdisho u jirta illaa 30 KM, kadib markii nin maseeray uu dil u gaystay nin kale oo ku sugnaa degamadaasi.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim ayaa la sheegay inuu dilay marxuum isna magaciisa lagu soo koobay Xasan, kaas oo ay wada daganaayeen degmada Afgooye.
Sarkaal sare oo u hadlay laamaha ammaanka ayaa sheegay in dilka uu dhacay xilli aroor ah kadibna eedeysanaha uu usoo baxsaday dhanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Dilka saaka ayuu dhacay waxaana marxuumka loo gaystay la yiraahdaa Xasan, waxaana lagu soo eedeeyay nin kale oo Ibraahim la yiraahdo, wuxuuna ka dhacay degmada Afgooye” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan booliska degmadaasi.
Sababta uu u dilay marxuumka wuxuu ku sheegay inay la xiriirto maseer dartiis, waxaana haatan socda baaritaanno lagu hayo eedeysanaha oo ku xiran saldhigga dhexe ee Afgooye.
“Waxaa naloo sheegay inuu u dilay maseer dartiis, waxaana u galnay baadi goob, annaga oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhignay eedeysanaha” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrinta baaris ayaa hadda ku socoto, laakiin illaa iyo hadda wuxuu noo sheegay inuu maseer dartiis falkan u gaystay, waxaana faah-faahin guud bixin doonaa marka ay soo dhamaato baarista”.
Soo qabashadiisa ayaa waxaa sidoo kale gacan ka gaystay booliska gobolka Banaadir oo ka qabtay degmada Dharkenley, waxaan sidaas loogu waeejiyay saldhigga Afgooye, sida uu xaqiijiyay sarkaalka gacanta ku haya kiiska.
“Ibraahim isaga oo baxsad ah ayaa lagu qabtay Dharkenley, waxaana soo qabashadiisa naga gacan siiyay booliska gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri sarkaalka.
Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ee u badan maseeka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.