24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sawirro: Xasan oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda – Maxaa dhacay maanta?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeysa xubnaha mucaaradka, wuxuuna qaabilay qaar kamid ah hoggaanka ururada siyaasadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankiisa maanta oo ahaa wadatashi la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada qof iyo codka ah ee ay weli diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya sida ay sheegtay Villa Somalia geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa warbixin siiyay ururrada uu la kulmay, isaga oo a wadaagay qorshihiisa doorashooyinka qof iyo codha ee uu rabo inuu ka qabto dalka.

“Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladdiisu ay ka go’an tahay in la dhammeystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhinaca kale hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu xalay Madaxweynuhu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed, kaas oo horudhac u ahaa gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay ee 15-ka  bishaan Juun 2025 ka furmeysa Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, mucaaradka ayaa weli diidan qorshaha Villa Soomaaliya, waxaya arrintu ay gaartay beesha caalamka oo la’iskula tegay, inkastoo laga war sugayo shirka 15 June.

- Advertisement -

Read more

Local News