Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda dalka Sudan iyo wararka la baahiyay ee la xiriira in Imaaraadka uu raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Lugatoor ayaa ugu horreyn waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymana loo jeediyay Puntland, wuxuuna ku sheegay inay yihiin dayaacado ay faafiyeen dalal uu tilmaamay inay boobayaan khayraadka Soomaaliya, balse ma shaacin magacyadooda.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in Dowladda Imaaraadka Carabta ay raadaarro ciidan ka rakibtay Boosaaso, si loogu fuliyo weerarro cirka ah oo lagu beegsanayo Sudan iyo Yemen.
“Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa maanta wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo raba in ay fursad uga helaan boobka kheyraadka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Isu tegga Imaaraadka Carabta uu yahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay
Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in Puntland ay garanayso cidda wax u taraysa iyo tan wax u dhimeysa, balse iyagu ay diirrada saari doonaan horumarkooda oo kaliya iyo danahooda gaarka ah maadaama ay haatan ku jiraan dagaa ka dhan ah Daacish.
Si kastaba, ahaatee xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa haatan muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan. Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.
“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.
Dhankeeda dowladda Sudan oo dhowaan warqad rasmi ah usoo dirtay Dowladda Federaalka ayaa usoo gudbisay dacwad ka dhan ah maamul-goboleedka Puntland, taas oo la xiriirta in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka ka socda dalkaasi.
Warqadda oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sudan ayaa waxaa lagu sheegay inay la socoto in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo lagu eedeyay inay tacaddiyo ka gaysteen waddankaasi.

