29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Nin mas’uul ka ahaa xero oo caawa la dilay iyo gaari uu lahaa oo la qaatay + Magaca

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa caawa toogasho ku dilay nin Guddoomiye ka ahaa xero ay degen yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Dilka ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn xerada oo ku taalla tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Deyniile.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Nuunoow Aadan, waxaana la sheegay in ay dileen maleeshiyaad saacadihii ugu danbeeyay ku sugnaa xerada balse markii danbe ku dilay meel ka fog xerada xili uu ka baxay Muqdisho.

Marxuumka waxa uu sidoo kale kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Maleeshiyaadka ayaa dilka kadib ka xeystay gaari Spacio ah oo uu watay marxuumka la dilay, waxaana la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay uu marxuumka la kulmaayay hanjabaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo goobta gaaray ayaa mudo daqiiqado ah xiray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye wallow markii dambe ay fureen.

Muddo dhowr jeer ah ayey maleeshiyaadka dilal ka dhex fuliyeen xerada, halka dhowr kalane ay ku dileen banaanka sare ee xerada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News