Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dhaawacay weerar uu ka geystay dalka Talyaaniga

Rome (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay weerar uu nin Soomaali ah ka geystay magaalladda Rimini ee gobalka Emilia-Romagna dalka Talyaaniga.

Wargeyska Corriere di Bologna ayaa laga soo xigtay in ninka weerarka fuliyey uu Toorey ku dooxay dadkaasi, xilli ay la socdeen Bas ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini.

Sidoo kale warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa intaasi ku sii dareysa in eedeysanaha oo 26-jir ah  uu Tikid la’aan raacay Baska, kadibna markii ugu horreysay uu toorey ku dhuftay laba haween oo u xil saarnaa hubinta Tikidhada, sidoo kalena uu sii dhaawacay saddex qof oo kale oo ka mid ahaa Rakaabkii kale ee la socday Baska.

Dadka dhaawacmay sidoo kale waxaa ku jira wiil yar oo 5 sano jir ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaalada uu weerarka ka dhacay.

Intaas kadib eedeysanaha ayaa isku dayey inuu baxsado, isaga oo si deg-deg ah uga dagay gaariga, balse waxaa durbaba qabtay boolis ka agdhowaa halkaasi.

Weli ma shaacin boolisku magaca ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, balse waxa ay u muuqataa in uusan xiriir ah la laheyn kooxaha Argagixisada, iyada oo badinayo inuu isticmaalay mukhaadarad, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya ee laga helaya Talyaaniga.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ee gacanta lagu dhigay ayaa dhowr bilood ka hor tegay Talyaaniga, isaga oo qaxootinimo ku galay dalkaasi, balse ma helin wax aqbalaad ah.

Ma’ah dhacdo ugub ah in nin Soomaali ah uu weerar ka geysto Europe, waxaana dalal kala duwan laga soo wariyey weeraro ay geysteen Soomaali oo sababay dhimasho iyo dhaawac.