FBI-da oo shaacisay haddii Sacuudi Carabiya ay ku lug laheyd weeraradii Sep. 11

Riydh (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada.

Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo.

Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday.

Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah.

Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Guddi ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waayay wax caddeyn ah oo sheegaya in Sacuudi Carabiya ay si toos ah u maalgelisay Al-qaacidda oo ay Taalibaan ku qarineysay Afghanistan xilligaa, hase yeeshee baaritankan ayaan meesha ka saariin inay dhici karto in shakhsiyaas masuuliyiin Sucuudi ah ay taageero siiyeen Al-qaacida.

Wakaaladda warararka ee Reuters ayaa qortay in qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka lagu dilay weeraradaas, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan ayaa dacweeyay Sacuudiga, iyagoo raadinaya balaayiin doolar oo magdhaw ah.

VOA