Yaa loo soo qabtay dilka loo gaystay xildhibaan Cardoofe?

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa saaka iyo xalay howl-gal baaritaano ah ka sameeyey Laascaanood, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee degmadaasi.

Duqa degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dad tuhmanayaan loo soo qab qabtay dilka marxuumka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan ciidamada booliska, kadibna qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo, halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo.

Cabdiraxiin Cali ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay faah faahinta rasmiga ee baaritaanada socda dib ka shaacin doonaan.

AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, saraakiisha booliiska ayaa inoo sheegay in baaritaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan,” ayuu yiri Duqa magaalada Laascaanood.

Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ka soo baxay xisbiga Wadani.

Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Laascaanood oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.