Dhageyso: Gal-dacwadeed laga diyaariyey Farmaajo iyo xubno saraakiil u badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa diyaariyey dacwad ka dhan ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xubno kale, taas oo salka ku heysa wixii ka dhacay Baydhaba 2018-kii, xilligii doorashada maamulkaas, arrinta Mukhtaar Rooblow oo sifo aan sharci aheyn dowladda ugu xiran mudo sanado ah iyo arrimo kale.

Yuusuf Xasan Mursal oo ay isku xisbi ahaayeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye waxa uu ku sheegay in maalmahaan ay u socdeen kulamo la isaga xog wareysanayey dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhaba sanadkii 2018-kii iyo xarigga Sheekh Mukhtaar.

“Kulamo aan maalmahaan la yeelaneynay dhinacyada ay taabteen dhibaatooyinkaas waxaa lagu go’aamiyey in gal dacwadeed ka dhan ah Farmaajo iyo qolyihii ku lugta lahaa aan ka furano hey’adaha garsoorka ee ay khuseyso, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

Waxa uu sheegay in xogaha ay aruuriyeen ay ku ogaadeen in xilligii doorashada Lafta Gareen Baydbaba lagu dilay 14 qof oo rayid ah iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub, sidoo kale 26 qof ayuu sheegay in la dhaawacay xalligaas.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka ku jira gal-dacwadeedka ay diyaariyeen ay badan yihiin, isagoo ka xusay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiriraxman Aadan, iyo dhammaan taliyeyaashii ciidamada ee Baydhaba ka howlgalayey xiligaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan liiska dadka ay dacwadaha ka gudbinayaan ee loo heysto wixii ka dhacay Koonfur Galbeed.

“Waxaa halkaas laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Rooblow oo Xamar ku afduuban sanadkii 3-aad, marka hadda waxaan isku afgaranay in gal-dacwadeedka yaga aan ka furano hey’adaha garsoorka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Xasan Mursal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inay ka codsanayaan, marar badana ay ka codsadeen inuu ku garab siiyo cadaalad u helidda dadkooda la dulmay, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay xilligaan ugu soo aadiyeen dacwadaas ayuu yiri, “Xilligaan waa xilliga ugu roon oo xoogaa cadaalad ah ayaa noo soo iftiintay, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sida aad ogtihiinba bilaabay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, anaga waxaan ka codsaneynaa inuu garab nagu siiyo inay cadaalad helaan dadkeenii lagu laayey Baydhaba iyo kuwa nool ee dulman.”

Ugu dambeyntii Yuusuf Xasan Mursal ayaa sheegay in hadda ay walwal badan ka qabaan nolosha iyo badqabka Mukhtaar Roobow oo sida uu sheegay NISA u afduuban.

“Mukhtaar Roobow waxuu ku nool yahay meel u dhaw xarunta la isku heyto ee NISA, waxaan ka walwalsanahay noloshiisa iyo sida ay wax noqon karaan, waxaa dareemi kartaan xaaladda qof guri ku afduuban oo cid u tegeysa aysan jirin, saacadaha ama maalmaha soo socda waan ka walwaleynaa xaaladda Sheekh Mukhtaar, waxaan ra’iisul wasaaraha ka codsaneynaa in si dhow uu ula socdo xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

Hoos ka dhageyso wareysiga