Nin waardiye ah oo xarun ku taalla Caabudwaaq ku dhex dilay weriye caan ahaa

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku geeriyooday marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa wariye iyo samafale ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo uu geystay nin waardiye ka ahaa xarun lagu hayo carruur agoon ah oo maamule ka ahaa marxuumka geerdiyooday.

Xarunta uu ka howlgalayay ayaa waxaa lagu magacaabaa Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug

Wararka ayaa sheegay in Cabdikariin Bulxan iyo askariga uu soo kala dhex-galay muran, isaga oo kadib ku furay rasaas, taas oo ka haleeshay madaxa, wuxuuna mar dambe sidaas ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Cabdikariin oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa si gaar ah uga howlgalayay haatan warbaahinta dowladda, isaga oo wakiil uga ahaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan Caabudwaaq.

Sidoo kale waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda, wuxuuna ku caan baxay ‘Naftaada Bar Nabadda’ magacaas oo uu kusoo geli jiray aaladda Facebook-ga.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ka tirsan Cabdikariin Bulxan oo ay dishay gacan ka xaq daran.

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Qaraabada iyo Asxaabta Marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka mid ahaa Shaqaallaha Wasaaradda, kaas oo ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Ehellada ayaa haatan dalbanaya cadaalad iyo in tiirka la geeyay askariga dilay marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo si weyn looga garanayay gobollada dhexe ee dalka.