27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

NISA oo bartilmaameedsatay madax sare oo Al-Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegayay falal argagixiso ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howl-galkaasi uu sababay khasaare xooggan oo gaaray kooxda Al-Shabaab.

Gaar ahaan, horjoogeyaal sare oo ku sugnaa guriga la beegsaday ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa la filayaa in la helo saacadaha soo socda, iyadoo la sugayo war rasmi ah oo kasoo baxa hay’adda NISA.

Howl-galkan ayaa daba socda bartilmaameedyo gaar ah oo hay’adda NISA ku beegsanayso horjoogayaasha Al-Shabaab iyo xubnaha muhiimka ah, xilli ay hoos u dhaceen howl-galladii tooska ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda, kaas oo iska garabsanayeen ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ee Macawisleyda

Kooxda ayaa haatan dib u qabsatay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo labo sano ka hor laga xoreeyay. Waxaana muuqata in kooxda ay isku dayeyso sii wadista ballaarinta awooddeeda mar kale gudaha gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News