Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howl-gal duqeyn ah ka fuliyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeyntan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag, halkaas oo la sheegay inay shir ku lahaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyntan si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare culus horjoogayaashii kooxda ee goobta ku sugnaa.
Intii uu socday howl-galka, waxaa gurigaas ka kacay qarax iyo dab xoogan, taas oo laga maqlay guud ahaan degmada.
Dowladda ayaa sheegtay in gurigaasi u muuqday keyd ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen kaydinta hubka culus iyo walxaha qarxa.
Inkasta oo aan la shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha duqeyntu geysatay, hadana dowladda ayaa xustay in howl-galka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo xooggan oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dhowaan dib ula wareegay deegaanada Masaajid Cali Guduud iyo Geelgub oo labaduba ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.