28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

NISA oo burburisay guri ay Al-Shabaab ku diyaariyeen qaraxyo waaweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhanaane (Caasimada Online) – Ciidanka Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose ku burburiyay guri ay Khawaarijtu u isticmaali jireen kaydinta waxyaabaha qarxa.

Gurigaas ayaa la beegsaday ka dib markii la dhammeystiray xog muujinaysay in Khawaarijtu halkaas dhagar uga soo maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Saddexdii bishii hore ee Juun, howlgal la mid ah oo ay Ciidanka Gaashaan ka fuliyeen isla deegaanka Dhanaane ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa guriga la burburiyey ku diyaarisay qaraxyo waayeen oo loo soo waday magaalada Muqdisho, balse waxaa la helay xogta, kadibna waxaa beegsaday ciidamada howlgallada u tababaran ee Gaashaan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay guriga la qarxiyey uu sameeyey qarax labaad, maadaama ay ku jireen waxyaabaha qarxa oo Al-Shabaab ay ku diyaarsadeen, iyagoo doonayey in gaari ay ku raraan, kadibna la soo aadaan bartilmaameedyadooda Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidanka Gaashaan ee howlgalkaan fuliyey waxaa la sheegay in xalay ay deegaankaas ka soo wateen dhowr qof oo looga shakisan yahay in qaraxyada gurigaas lagu diyaariyey ay ku lug lahaayeen iyo in wadashaqeyn ay kala dhaxeyso kooxda Al-Shabaab.

Dhanaane waa deegaan muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana u dhow xeebta, halkaas oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay tagaan, kana laabtaan.

Sidoo kale, Ciidamada dowladda ayaa halkaas ka ugaarsada kooxda Al-Shabaab, bishii hore waxay ku dileen ninkii ugu halista barnaa ee kooxda u qaabilsanaa Dhanaane, Gandarshe, ilaa Jilib Marka, sidoo kale dhowr mar ayaa kooxda lagu duqeeyey aaggaas.

Al-Shabaab ayaa khasaare kasta oo lagu garsiiyo ku mintida deegaanadaas dhaca xeebta, maadaama ay dhaqaale ka qaataan gaadiidka safarka ah ee mara Xeebta, kuwaas oo aada magaalooyinka koonfurta Soomaaliya ee Marka, Baraawe, ilaa Jilib.

- Advertisement -

Read more

Local News