25 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

NISA oo burburisay hub iyo gaadiid ay la socdeen Al-Shabaab + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable, isla markaana uu weerarka u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay heleen xogta labada gaari oo ahaa nooca xamuulka qaad, isla markaana siday hub iyo maleeshiyaad, kuwaas oo ka yimid dhinaca deegaanka Shaw, iyaga oo kusii jeeday Buq-Aqable oo ay gacanta ku hayso kooxda.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu khaarijiyay illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay gaadiidka iyo hubkii saarnaa, sida lagu sheegay qoraalka.

“Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqay gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta xoga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay Hawlgalka ayaa si guul ah kusoo dhammaaday, waxaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad”.

Howlgakan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socda gobolka Hiiraan, kaas oo ujeedka uu yahay in dib loogu xoreeyay degmada Moqokori ee gobolkaasi oo todobaadkii hore ay la wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamadii ugu badnaa oo gurmad ah, kana yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ayaa shalay gaaray degmada Maxaas, halkaas oo uu hadda ka socdo abaabulkii ugu dambeeyay, waxaana hoggaaminaya ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda Mudane Cali Jayte Cismaan.

Ujeedka ciidamada gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu qabto Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.

Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

- Advertisement -

Read more

Local News