28.9 C
Mogadishu
Saturday, May 16, 2026

NISA oo dhaawac halis ah gaarsiisay horjoogayaal Shabaab ah kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa saaxibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Buq-aqable, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka dhaawac culus lagu gaarsiiyay horjoogayaal sar sare oo muhiim ah, kuwaas oo dhibaato ka waday gobolka Hiiraan, iyadoo NISA ay shaacisay magacyadooda.

“Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray deegaanka Buq-aqable, ayaa weerar culus ku qaadey goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah wakiilka Khawaarijta ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ah wakiilka Khawaarijta degmada Jalalaqsi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay ayaa lagu beegsaday goobo ay kooxdu ku diyaarinaysay maleeshiyaad ayaa lagu gubay ilaa shan baabuur oo seddex ka mid ah ay ahaayeen nooca BG loo yaqaano, kuwaas oo mid ka mid ah uu saarnaa qoriga 39 (thirty-nine) ama lidka diyaaradaha.

Hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonto beegsiga kooxda, isla markaana ka hortageyso isku day kasto oo ay kooxda ku dooneyso inay kusoo abaabusho weerarro ay ku carqaladeyneyso amniga iyo xasiloonida.

“Howlgalladan qorsheysan waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna fashilinayo abaabul kasta oo ay ku carqaladeynayaan amniga iyo xasilloonida dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454”, ayaa la sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo argagixisada, iyada oo sidaan oo kale shalay loogu beegsaday duleedka Baydhabo oo maalin kahor ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News