26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

NISA oo howlgal culus ku dishay xubno Al-Shabaab ah, kuna burburisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal dhanka cirka ah oo Talaadadii Al-Shabaab lagula beegsaday deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay la kaashatay saaxibada caalamiga ah, isla markaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo isku uruursanayay aagga deegaanka Tardo.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in weerarka lagu khaarijiyay ugu yaraan illaa 9 xubnood oo isugu jiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugnaa goobta la duqeeyay.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaacisay in xubnaha la dilay ay dhagar u diyaarinayeen shacabka, balse laga hortegay, iyada oo sidoo kale la burburiyay bara koontarool oo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

“Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta” ayaa lasii raaciyay.

NISA ayaa intaasi kusii dartay in ay ka go’an tahay sii wadista howlgallada lagu cuuryaaminayo Khawaarijta, si loo ooga hortago weerarada ay soo qaado.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgallada la doonayo in lagu naafeeyo kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News