25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 20, 2025

NISA oo soo saartay digniin ku socota reer Muqdisho xilli ay daba-gal iyo baaris ku hayso…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa haatan dabagal iyo baaris ku haysa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

NISA oo si gaar ah isha ugu haysa aruurinta lacagaha ay kooxdu ugu yeerto Zakawaadka ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, iyadoo uga digay la macaamilka Shabaab ama bixinta lacagaha kooxdu baadda uga rabto.

“Ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay in qof kasta oo bixiya baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka uu ku dhacayo dembiyada maalgelinta argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

“Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyntiina, hay’adda ayaa waxay ka dalbatay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira lacagaha ay kooxdu qaaddo iyo culays kasta oo argagixisada uga yimaada.

Dagaalka maaliyadeed ee haatan socda ayaa qeyb ka ah gulufka tooska ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo lasoo warinayo in hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalihii ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho kadib tallaabooyinka ay hay’adda NISA uga hor tageyso arrintaan.

- Advertisement -

Read more

Local News