Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay hoggaanka sare ee NISA, gaar ahaan Taliye Mahad Salaad.
Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaga oo si wadajir ah ugu guur-galay hannaanka shaqo ee Hay’adda NISA oo kaalin weyn ku leh amniga dalka.
Intaas kadib madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha NISA, waxayna la wadaageen shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan dalka.
Saraakiisha ayaa si gaar ah warbixintooda uga hadlay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho iyo guulaha ay kasoo hoysay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Sidoo kale saraakiisha ayaa madaxweynaha u sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay guul weyn hay’addu ka gaartay amniga caasimada, si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad-geliyo.
Waxa ay intaasi ku dareen in guushaas ay ku timid, dadaalka hay’adda, gaar ahaan howlgelinta qaybaha kala duwan ee ciidamada NISA oo ay ugu horreeyaan kuwa dharcadda ah oo haatan si weyn uga shaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir.
NISA ayaa sidoo kale qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna howlgallo culus oo bartilmaameed ah ka fulisaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale gobollada Shabeelooyinka.
Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;
1 – Furinta dhaqaalaha, 2 – Tan fikirka 3 – Iyo dhanka milatariga, wuxuuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.
Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan wada qorsheyaal ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada, si looga hortago weerarada Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhayay.