24.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

NISA oo weerartay goob ay ku shirayeen madaxda Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Warsheekh (Caasimada Online)  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ku qaadeen deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa lagu qaaday goob uu shir uga socday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa xustay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayna weli waddo xog uruurin ku aadan khasaaraha gaaray Khawaarijta.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda NISA.

Saraakiil amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhulka lala simay goobta ay ku sugnaayeen xubnaha Khawaarijta, waxaana loo gaystay jab culus.

Deegaanka Maxaa siciid ee uu weerarka cirka ah ka dhacay ayaa u dhow Nuur Dugle, waana magaalo caan ah, halkaas oo cashir loogu dhigay argagixisada.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan jab culus lagu gaarsiiyay deegaana Jabad-Godane, halkaas oo looga dilay illaa 550 xubnood oo 80 kamid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida ay dhawaan shaaca ka qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan oo noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo firxadkooda looga sii daba tegay deegaanka Alanley oo mar kale lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

- Advertisement -

Read more

Local News