Nooca doorasho ee 2020 oo la sheegay in laba mid ay noqon doonto (Aqri)

Guddiga doorashooyinka Qaranka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaya marka la gaaro 2020-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne oo labo nuuc midkood noqon doonta balse  wali aan go’aan laga gaarin.

In go’aan laga gaaro nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto 2020-ka waxey u baahantahay marka hore in la soo dhameystiro sharciga doorashada oo wali guddiga doorashooyinka oo kaa shanaya hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn ay ku howlanyihiin.

Labo Nuuc oo doorasho ayaa la filayaa in ay dalka ka dhacdo kuwaa oo kala ah (Proportional Representation)  nidaamka Isku dheelatiran iyo (Majoritian) oo ah aqlibiyad cod dheer .

Nidaamka Doorasho ayey u badantahay inuu noqon doono nidaam xisbi ah waana doorashada isku dheelitiran  oo qof iyo cod ah sidoo kale waana nidaamka la filayo in 2020-ka wax lagu doorto waxaana lagu maamulaa dalal badan sida Turkiga, Ciraaq Brazil, Jarmalka, South Africa, Angolo iyo dalal kale.

Weey fududahay in la hubiyo tusaale ahaan Saami qeybsiga, matalaada dadka laga tirade badan yahay,  kootada haweenka, xuduudeynta marka la joogo nidaamka doorasho ee isku dheelatirsan waxaase adag in la ogaado marka ay doorashadu tahay aqlibiyad cod dheer.

Sidoo kale waxyaabaha uu ku xunyahay waxaa kamid ah matalaada Juquraafiga, isla xisaabtanka iyo awood badan oo xisbiyada la siiyo.

15 Xisibi ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan geliyay walina lama dhameystirin sharciyadda waxaana harsan waqti kooban iyadoo la tabayo howlo badan oo ku saabsan in dalka loo diyaaro doorasho qof iyo cod ah, balse wali lagu howlanyahay.

Bishii Maarso Sanadii 1969-kii oo laga joogo 50 sano ayaa Soomaaliya ugu dambeysay doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doortay Mudanayaal shacabka matalaya (90 mudane gobaladii koofur iyo 33 Mudane Gobaladii Waqooyi) waxaana ay ku timid tirakoob la sameeyay xiligii gobonimada oo dhamaan lagu sameeyay deegaan doorasho 8-dii Gobal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marka la eego baaxada ay leedahay in laga gudbo hanaanka 4.5 iyo caqabadaha waa weyn ee ku xeeran  waxeey u baahnatahay mas’uuliyad wadareed labada Aqal ee dowladda, xukuumadda, Guddiga doorashooyinka, Guddiga madaxa banana iyo shacabka.

Howlo badan ayaa horyaala dowladda gaar ahaa guddiga doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqeeyo waxaana sidoo kale muhiim ah in ay xoogga saaraan  dariiqooyinka ugu haboon ee dadweynaha lagu gaarsiin karo laguna fahansiin karo sharciga doorashooiyinka si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo dalka uu galo iyagoo tagaya deegaano kala duwan oo katirsan Gobalada dalka.