NORWAY oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, kana furaneysa safaarad

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay dhowaan dib u furaneyso safaaraddii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka ay la leedahay dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa waxaa ka dhawaajisay Elin Bergithe Rognlie oo ah danjiraha Norway u qaabilsan Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, MudaneBalal Maxamed Cismaan.

Marwo Elin Bergithe ayaa shaaca ka qaatay in haatan ay bilaabatay qaban-qaabada dib loogu furayo safaaradooda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Norway, gaar ahaan agaasinka socdaalka uu aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka labada dal.

“Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya

Dhankiisa wasiir Balal Maxamed Cismaan ayaa soo dhoweeyey go’aanka Norway iyo dib u furashada safaaradeeda Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay danayneyso xoojinta xiriirka diblumaasiyaasadeed iyo iskaashiga kale ee ka dhexeeya labada wadan.

“Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah” ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Norway ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn u taageero Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah wadamada beesha caalamka ee dadaalka ku bixinaya doorashooyinka 2021.