XASAN SHEEKH oo tilmaan cusub ka bixiyey XARIGA Sheekh Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey dood ah lagu qabtay barta Twitter Space ayaa markii ugu horreysay si daah-furnaan ah uga hadlay xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhowaad sadex sano u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa marka hore afduub ku tilmaamay xarigga Mukhtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay inuu sharci darro yahay xarigiisa, isaga oo arrimo siyaasadeed uu sababeeyey.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Roobow uusan u xirneyn arri amni darteed, balse xarigiisa laga leeyahay dano kale.

“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) inuu meesha ka saaro in hoggaamiyeyaal kale ee kasoo baxaan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu xusay in dowladdu ay albaabka kasoo ooday hoggaamiyeyaal muhiim ah, oo dib uga soo noqon lahaa kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”.

Roobow oo muddo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii 2017-kii, isaga bilo kadib, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho uu isku soo taagay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse xilligii doorashada oo aheyd bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.