Minneapolis (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama oo ka hadlay howlgallada CE ee Minnesota ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi jab leh”.
War-saxaafadeed ay soo saareen lamaanahan ayaa waxa ay ku sheegeen in toogashadii “ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro”.
“Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump “uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo” iyada toogashooyinkii dhacay oo aan “wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka. Tani waa inay joogsataa,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinca kale, Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.
Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.
Waxaa kale oo uu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.
Bill Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.

