October 21 maalin madow oo ka mid ah maalmaha madow ee bisha October nagu reebtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Xasuuqii HARGAHA iyi SAAMAHA ee 4 October  2011 iyo halaaggii SOOBBE 14 October  2017,  mirihii 21 October 1969 oo aan wali guranayno.
Ugu horrayn bilaha iyo ayaamuhu ma leh awood ay dhib ama dheef ku gaystaan midna ku gaystaan waase  nimco Rabbi addoomadiisa ku galladaystay waase qaddar Rabbi oo musiibo iyo nimco kasta oo wuxuu u sameeyay bil, gelin iyo goor cayiman oo uu dhicisteeda ku jaangooyay. Sidaas ayaana bini’aadamku bishaas, gelinkaas iyo goortaas ugu xasuustaan. Ummadda Soomaaliyeed  waxaa soo maray  bilo iyo maalmo xasuus gooni ah uga tagay lagu na xasuusto dhib iyo dheef wixii laga dhaxlay.
Qormadaan waxaan ku eegi doonaa mid ka mid ah xasuusaha uur-ku-taallada leh ee Soomaaliya ka dhacay bisha Oktoober, ku dhawaad kontonkii (50) sannadood ee la so dhaafay, 21 OKTOOBAR. Balse inta aanan gudagalin ujeedada qoraalkayga aan dulmar yar ku sameeyo dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee na soo maray bisha OKTOOBAR.
15 October 1969 waxaa la dilay Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdirashiid C.Sharma’arke horayna u noqday Raisul Wasaare. Askari ka mid ah ilaaladiisi ayaa ku toogtay Laascaanood oo booqasho ku joogay. Ilaa hadda la ma oga ciddii ka dambaysay dilkii Cabdirashiid.
21 October waxaa la afgambiyay dawladdii TALAWAADGGA ahayd ee dalka, waxaana dalka la wareegay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. Waxaa la kala diray Baarlamaankii dalka waxaana la mamnuucay Axsaabtii siyaasadeed ee dalka.
4 October 2011 waxaa baabuur wayn oo miinaysan lagu wareeray HARGAHA iyo SAAMAHA, Muqdisho. Waxaa ku dhintay ku dhawaad 100 qofood oo u badnaa arday rajaynaysay inay waxbarasho u aadaan Turkiga.
15 October 2017 gaari wayn oo miinaysan ayaa lagu qarxiyay Isgoyska Soobbe, Muqdisho, in ka badan 1000 qofood ayaa noqday wax dhintay wax dhaawacmay iyo wax la waayay raq iyo ruux.
Aan ku noqdo dulucda qormada iyo 21 Oktoobar. Sida aan kor ku sheegay 21 October 1969 ciidankii Xoogga dalka ayaa xoog ku la wareegay taladii dalka Soomaaliya waxaana soo afjarmay 13 sannadood (4 sannadood oo daakhil ah iyo 9 sannadood oo dawladihii rayidka)  oo Soomaaliya ahayd dalka TALAWADAAG ah Afrikana ugu tilmaamnaa nidaam dimoqraadi ah oo Soomaaliya waxay ahayd dalka kaliya ee afrikaanka ah ee ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. 1967-na waxay Aadan Cabdulle Madaxweynihii Soomaaliya ayaa looga adkaaday doorshadii wuxuuna xilkii ku wareejiyay Cabdirashiid C. Sharma’arke taasoo ahayd wax aan Afrika horay uga dhicin. Nidaamkii Talawadaagga ahaa ee dalkeennu uga soocnaa Afrikaanka kale 21 Octoobar ayuu noqday taariikh la soo dhaafay markik ciidankii millatarigu taladii maroorsadeen. Haddaba sida ku cad sooyaalka xukunkaas askarta ee dalka qabsaday  dadwaynihii Soomaaliyeed aad bay u soo dhaweeyeen markii hore ayadoo shacabku ku hanwaynaa in laga bixidoonoo musuqii, eexdii iyo qaraabokiilkii sagaalkii sannadood ee xukunkii rayidka nasiibdarro se waxay noqotay kud ka guur oo qanje u guur. inkastoo xukunkii askartu uu xoogaa horumar ah dalka ka sameeyay samnadihii hore haddana nidaamkaas wuxuu dalka u horseeday burbur iyo baaba’. Tusaale; markii askartu dalka qabsatay dalkuu wuxuu ahaa mid nabdoon ma na jirin dagaallo gudaha ah iyo qabiillo hubaysan oo isdilaya halka maalintuu dalka ka tagay maydadku dariiqyada magaalooyinka daadsanaayeen.
Markaad maskax caafimaad qabta ku eegtid dhibaatooyinka ragaadiyay dalkeenna 27 gu’ ee la soo dhaafay waxaad arkaysaa in dhammaantood ay yihiin raasumaalkii iyo dhaxalkii uu nooga tagay nidaamkii askartu, xagjirnimada, qaraxyada, argagaxa iyo afkaaraha shisheeyana yihiin mirihiii uu noo abuuray nidaamkii askarta ee dalka qabsaday 21 October. Waxaa laga yaabaa inaad iswaydiisid maxaa iska galay qaraxyada iyo Kacaankii October? Waa iska galeen. Kooxa seef-la-boodka ah ee diinta sida khaldan u adeegsaday waa nadiijadii ka dhalatay xadgubkii iyo faragalintii uu kacaanku ku sameeyay Diinta Islaamka gaar ahaan xeerkii qoyska ee soo baxay January 1975. Xeerkaas waxaa ka horyimid culmadii dalka oo ku sheegay mid ku xadgudbaya kana hor imaanaya AAYADO Qur’aanka kariim ka ah ka mid ah. Kacdoonkii wadaadada Dawladdii kacaanku uga jawaabtay inay xabsiga u dhigto wadaadado badan, 23kii January 1975 toban ka mid ah wadaadadii ayaa la toogtay. Magacyada culimadaas waxay ahaayeen, 1 – Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2 – Sheekh Muuse Yuusuf
3 – Sheekh Axmed Iimaan
4 – Cali Xasan Warsame
5 – Xasan Ciise Iley
6 – Maxamed Siyaad Xirsi
7 – Cali Jaamac Xirsi
8 – Aadan Cali Xirsi
9 – Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil.
Dilka wadaadadaas waxaa ka dhashay inay abuuraan kacdoon qarsoon ii ay sameeyeen wadaadadii diintu gaar ahaan dhalintii wax ku soo baratay dalalka carabta. Inkastoo dawladdii kacaanku gacan bir ah ka la hortagtay haddana waxay kooxahaas si wayn u xoogaysteen u na soo shaacbexeen 1991 markii dawladdii kacaanku dhacday. Khubarada ka faalloooda arrimahaan waxay sheegeen in faafidda kooxaha seef-la-boodka ahi yihiin natiijadii ka dhalatay xeerkii qoyska iyo dilkii wadaadada ee 1975.
Sidaas awgeed waxaan in xasuuqii HARGAHA iyi SAAMAHA ee 4 October  2011 iyo halaaggii SOOBBE 14 October  2017 ay yihiin mirihii 21 October 1969 oo aan guranayno.
W/Q: Cali M Diini
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid