Odawaa oo kulan la yeeshay taliyaha AFRICOM + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ee (AFRICOM), General Micheal Langley.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada-hadleen arrimo ku aadan ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale labada taliye ayaa kulankooda diirrada ku saaray xoojinta iskaashiga milatari ee ka dhexeeya dalalka Mareykanka iyo Soomaaliya, sida ay shaacisay warbaahinta qaranka.

“Labada taliye ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale labada sarkaal ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, siiba guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha AFRICOM, Micheal Langley oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay dhankooda sii ballaarin doonaan taageeridooda, si loo wiiqo awooda Al-Shabaab.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka, taageerada dhaqaale iyo mida milatari ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna Micheal Langley u xaqiijiyay inay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageero Soomaaliy, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo dhanka duqeynta ka caawiya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan la dagaalamaya kooxdaasi.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhank ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, dagaalka oo haatan galaya wajigiisa labaad ayaa la filayaa inay kusoo biiraan dalalka dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo laisku yiraahdo waddamada safka hore.