Odawaa oo sheegay arrin ka farxisay PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen ”Odawaa” ayaa si adag uga hadlay qorshooyinka horyaalla DFS iyo qaabka ay iminka u socdaan Shirarka rayi uruurinta ee ka kala socda Gobolada dalka.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay DFS garab ku siisay hirgalinta shirarka socda, waxa uuna sheegay in Puntland ay mudan tahay in lagala tashto arrimaha la xiriira Doorashada 2016-ka.

Wasiir Odawaa ayaa tilmaamay in Maamulka Puntland uu ku talaabsaday horumar , sidaa daraadeedna ay DFS dooneyso in ay kala kaashato arrimaha la xiriira nuuca doorasho ee ka qabsoomi karta dalka bacdamaa uu socdo wadatashi ballaaran oo salka ku haya arrimahaasi.

Odawaa oo safar shaqo ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in muhiim ay tahay la tashiga iyo talo gelinta ay DFS ka wado Gobolada dalka, waxa uuna cadeeyay in Dowladu kaliya talooyinkaasi ay qaadan doonto.

Hadalka Odawaa ayaa imaanaya iyadoo inta badan Gobolada dalka ay si habsami leh uga socdaan shirarka wadatashiga midnimada Qaran ee Somalia oo lagu xoojinaayo arrimaha Higsiga 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com