26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Odawaayow ma is eersatay?! (Maxaa sababay inuu ka baaqdo caleema saarka Xaaf?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen (Odowaa), horana u soo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuu ku jira xildhibaannada metala Galmudug, ee Shalay ka maqana madasha Caleemosaarka MW Xaaf.

Xildhibaan Odowaa, ka sokow, in uu xildhibaan Galmudug metela yahay, intii uu wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa, wuxuu ku guulaystay, in uu yagleelo maamulka Galmudug, oo la kowsaday magacaabistiisa wasiirnimo.

Dhismaha Galmudug, Xildhibaan Odowaa wuxuu ku bixiyey ammin, itaal iyo aragti, kana tallaabsaday culayso, cuuryaamin iyo caqabado uga yimid xigto, daris iyo dadyaw kale, taa oo uu ku mutay ammaan iyo ilwaad badan.

Maanta oo labo gu’ ku dhawaad laga joogo maalintii uu dhismaha Galmudug ku guulaystay, noqotayna maalin sooyaalka Soomaalida, ee maamul dhisidda gashay ka gashay baal dahab ah, in uu Xildhibaan Odowaa ka maqnaado caleemosaarka madaxweynihii 2aad ee Galmudug yeelato waxay eheed ayaandarro!

Xildhibaan Odowaa maqnaashihiisu in uu gef siyaasadeed ahaa waa hubaale, maxaa sababay? Ma giriif siyaasadeed ayaa jira, oo uu ka biyadiidsan yahay MW Galmudug mudane Xaaf? Ma wuxuu dhibsanayey qaar ka mid ah madaxdii ka qaybgashay caleemosaarka?

Si walba, haddii hore loo yiri: “meel aad madaxeeda tahay, majaheeda la ma noqdo!” aniguna waxaan leeyahay; “meel aad hormuudkeeda tahay, haraageeda la ma noqdo!”

Odawaayoow, si kasta, oo ay xurguf kaa la dhaxayso madaxda cusub, si walba, oo ay u jirto ka la duwanaasho aragti siyaasadeed, haddana, ka maqnaashahaaga madasha caleemosaarka MW Xaaf waxay eheed aragti gaabni iyo aqoolximo, aan qiil loo yeeli karin.

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in aad ilaaliso, dhawrto, waliba koolkooliso ubadkaagii siyaasadeed, ee aad ayaamaha badan isaga dabalaralaabatay Dusmo reeb ibo Cadaado?

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in maqnaashaagu ahaa hungo iyo hanjab aad dad badan ku beertay, oo aad u eheed horseed iyo hormuud?.

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in madashaa ay eheed madal aadan ka maqnaa karin, maadaama ka sokow, inta aan soo sheegay, in Cadaado tahay magalaadada tolkaaga, haddana aad tahay xildhibaan metala dadka iyo degaanka Galmdudug?.

Dadka qaar ayaa ku qiiliya, in uu socod dibadda ah ku maqnaa karay. Taas maa dhib ma leh, diyaarad buubee, ku soo baad ahaa, ee Cadaado imow.

Mar kale, waxy ku qiiliyaan, in uusan casuumad helin ayaa laga yaabaa. Oo yuu casuumad ka sugayey, aan ka ahayn naftiisa iyo doonistiisa siyaasadeed? Saw isagu ma metelo dadka iyo degaanka Galmudug? “Meel aad maamuusmeeda leedahay, muquraaruf laga ma noqdo!”.

Odawaayow, dareenka dadkaaga ma tixgelin, duubka degaankaaga ma dhawrin, magaaladaadii Cadaado magaceedii ma tixgelin, mansabka siyaasadeed aad hayso, misana huwan tahay ma maamuusin, ee ma kuu maangaabnimaa, mise, waa kuu maahsanaan? Ma xilkasnimo ayey kaa tahay iyo, mise xin aan xeerin lahayn?.

Midbee, Odawaayow, tani dhacdaye, bal kuwa kale ha u dhugmo la’aan, haddii dhaqan iyo dhur jiro, haddii kale HA DHAQLAYSO!

Waa la MURRUGAY!
Waxaa Qoray
Bashiir M. Xersi
[email protected]
https://bilediraac.wordpress.com/

- Advertisement -

Read more

Local News