Oday dhaqameed lagu dilay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo maanta koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Daallo oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa oday dhaqameedka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana meesha isaga baxsaday ragga ka dambeeyey falkaasi.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka ay rasaasta ka haleeshay qaybta sare, isla-markaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegay in marxuumka uu la kulmayey hanjabaadyo uga imaanayey taleefano kala duwan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ehellada marxuumka.

Ciidamada ammaanka ee degmada Howl-wadaag ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Si kastaba, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaasi oo ay mas’uuliyadoodu sheegato kooxda Al-Shabaab.