Odayaal dacwad ka ah golaha wasiirada oo ku qulqulaya xafiiska Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu laba waji ku kala dilay Beelaha iyo Xubnaha cusub ee loo doortay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre Beelaha ku qanciyay Wasaarado ay dalbadeen, balse Liiska Golaha Wasiirada ee goordhow lagu dhawaaqay lagu arkay isbedel dhanka Wasaaradaha oo aan la fileynin.

Kheyre ayaa Siyaasad ku dhisan hab khiyaano la dheelay ilaa 4 Beel oo Liiska Golaha ku dhex arkay Wasaarado aan lagu wargalin, kadib markii ay maanta la kulmeen Wasaarado ka duwan kuwii loo ballanqaaday.

Kheyre ayaa la sheegay in talaabadaani ay ku dhalatay Habeenimadii xalay kadib markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fursad usiiyay 24saac gudaheeda inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada, waxa ayna taa dhalisay in Kheyre uu ku dhaqaaqo go’aan lagu qancinaayo Beelaha ugu tunka weyn.

Durba waxa uu Kheyre ku dhaqaaqay in Wasaaradaha aan tayada laheyn iyo kuwa tayada leh isku dhex qaso, waxa uuna sidaa uga baxay ballanqaadka dhanka Wasaarada ee uu u sameeyay Beelaha.

Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha ee laga bedelay Wasaaradaha loo ballanqaaday ayaa iminka hordhooban Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre kuwaa oo dacwad ka ah isbedelka lagu sameeyay Wasaaradaha lagula heshiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalinkarin sida uu Ra’isul wasaaraha ku qancin doono Odayaasha Beelaha oo uu uga baxay ballanka Wasaaradaha lagula heshiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com