Odayaasha Gobolka Hiiraan oo jawaab aad loola yaabo siiyay Cumar Dhagey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia Cumar Dhagey uu sheegay in Xildhibaanada Maamul Goboleedyada Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu xuli doono magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, garabka kasoo horjeeda shirka Jowhar.

Odayaal dhaqameedka ayaa sheegay inay diidan yihiin in xubnaha baarlamaanka ee ku matelaya golaha shacbiga lixda sano ee socota in lagu soo xulo magaalada Muqdisho.
Odayaasha ayaa sheegay inay xaaran tahay in Labada aqal ee doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee baarlamaanka federaalka lagu qabto magaalada Muqdisho.

Odayaashu waxa ay sheegen inay ka mideysan yihiin in xulista ay ka dhacdo magaalada Beledweyne, haddii aysan taasi dhicina aysan qeyb ka noqon doonin xulista ka dhici doonta magaalada Xamar.

Waxa ay sheegen in marnaba aysan ogalaan doonin in xubnahooda lagu xulo magaalada Muqdisho, haddii ay dhacdana ay u fahmi doonaan afduub bareer ah.

Waxa ay ku dooden in ka Odayaal ahaan aysan garankarin shaqsiyaadka matalaaya Hiiraan ee lagu xuli doona magaalada Xamar, sidaa aawgeed ay yihiin kuwo banaan joog ka ah arrintaasi.

Docda kale, Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa sheegay inay ka xunyihiin in Guddi noocaasi ah ay muddo laba jeer ah ku fashilmaan doorashada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com