Suuqa Bakaaraha oo maanta dhaq dhaqaaq uusan ka jirin iyo ciidan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka gabi ahaanba uusan wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee ganacsi.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee soo gala kana baxa Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa gabi ahaanba diiday saaka in gudaha loo galaa suuqa bakaaraha, waxaana ciidamada ay halkaasi ka wadaan baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo.

Qaar kamid ah dadka ku ganacsada Suuqa ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo saaka suuqa galay hal meel la iskugu geeyay, iyadoo gabi ahaanba la diiday in gudaha Suuqa la galaa.

Ganacsada ayaa sheegaya in baaritaanka ay ka socdaan wadada labaad ee suuqa bakaaraha ilaa qeybta qudaarta.

Waa markii ugu horeysay oo baaritaankaan oo kale laga sameeyaa Bakaaraha.

Hayada amaanka ayaa sheegay in baaritaanada ay ka socdaan qeybo kale oo Muqdisho kamid ah balse ay dib ka hadli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com