Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee shirka uu kaga soconaayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa waxay soo jeediyeen in Amisom la geeyo Magaalada Guriceel, si loogu kala dhex dhigo dhinacyada isku haaya.
Nabadoon C/ladiif C/laahi Warsame oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa sheegay inay tani ku doonayaan in lagu xoojiyo xabad joojinta la kala dhex dhigay Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna.
Waxa uu Dowladda iyo Amisom uu ugu yeeray inay iskaashi ka yeeshaan, sidii Xoogaga Amisom lagu gaarsiin lahaa Magaalada Guriceel, si looga baaqsado inay isku dhacaan Ciidamada Ahlu Sunna iyo Dowladda.
Sidoo kale waxa uu Amisom uu ugu yeeray inay taageerto go’aanada ay gaaraan, dhinacyada dhex dhexaadinta ka dhex wada labada garab, ee isku haaya Magaaladaasi.
Bayaan ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka, ayaa Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobe ee gargaarka bixiya, looga codsaday inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ku barakacay dagaalada Guriceel.
Odayaal, wax-garad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ku kala dhex jira labada garab, ee ku hardamaaya gacan ku haynta Magaalada Guriceel, ayaa walaac ka qaba in markale ay xabad joojintu burburto.
Waa markii ugu horeysay oo Odayaasha Dhaqanku soo jeediyaan in Amisom la geeyo Magaalada Guriceel, ee Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]