Odowaa oo shaaciyay in ay dileen ajaanib ka tirsan Al-Shabaab, qaarna ay qabteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in howl-galkii Ceel-qaboobe lagu laayay Ajaanib ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab, halka kuwa kalena nolosha lagu qabtay.

Jeneraal Odowaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay “in ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo ku howl-galayay xogo ay horay uga hayeen cadowga ay ku beegsadeen deegaan 30-KM dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarardheere.

Waxa uu sheegay in kooxda ay halkaasi doomo u rarnaa xilligaasi kala degayeen hub iyo agab kale oo ay doonayeen inay ummadda ku dhibaateeyaan, isagoo sheegay in kooxda laga gubay gaari weyn oo ay kusoo diyaariyeen waxyaabaha qarxa, lagana qabsaday gaadiid dagaal, sida uu sheegay.

“Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Waxa uu intaas kusii daraya in xubnaha Ajaaniibta ah ee la dilay iyo kuwa la qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka ay doomaha kala soo dagayeen kooxda.

“Majiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhawaa, wuxuuna howl-galka u dhacay si taxadar iyo xog ogaalnimo ah, iyada oo feejignaanta ciidankuna ay aheyd mid sareysa.”

Si kastaba, Howl-galkaan uu sheegay in taliyaha ciidanka xoogga ay ku dileen xubno ajaanib ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.