ODOYAAAL iyo ergadii ugu badnaa oo gaaray Jowhar iyo wararkii u dambeeyay

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Hir-shabeelle ayaa sheegaya in magaaladaasi ay inta badan gaareen odayaasha dhaqanka iyo ergadii soo xulayay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa magaalada Jowhar kuwada sugan inta badan ugaasyada iyo odayaasha kale ee qeybta ka ah soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hir-shabeelle, xili gebi ahaanba uu shaqeyn waayey jadwalka iyo qorshihii hore ee doorashadaasi.

Doorashada baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka taagna buuq badan, iyada oo beelaha qaar ay dood ka keenen in jagada madaxweynaha maamulkaasi ay iyagu leeyihiin.

Waxaa si weyn isku soo taraya loolanka loogu jiro doorashadaasi, xili ay dhawaan xubno kamid ah guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Hir-shabeelle ay sheegeen in uu dhaqan geli waayay jadwalkii ay soo saareen, kaas oo ku saabsanaa doorashada maamulkaasi.

Saraakiil ka tirsan guddigan oo xiligaasi la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay inay dhaqaaqi la’dahay shaqada guddiga, islamarkaana ay ku hor gudban yihiin caqabado waa weyn oo curyaamiyay shaqooyinka horyaala.

Guddigaan ayaa sheegay in culeyska ugu weyn ee heesta uu yahay cabashada Beesha Xawaadle, kuwaas oo aan ilaa hadda xal loo helin, islamarkaana aysan odayaashooda dhaqanka wali soo gaarin Jowhar si ay uga mid noqdaan duubabka dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka.

“Culeyska ugu weyn waxaan kala kulmeynaa beesha Xawaadle, wax badan ayaa rabnaa inaa xeerino waana sababta uu u dhaqan geli waayay jadwalkii aan soo saarnay todobaadyo ka hor,” ayuu yiri mid kamid xubnaha guddiga oo la hadlay Caasimada Online.

Si-kastaba, waxa socda dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee doorashada baarlamaanka labaad ee maamulka Hir-shabeelle, inkasta oo uusan jirin heshiis laga mideysan-yahay oo ku aadan doorashadaasi.