Ogow magaca cusub ee loo bixinayo Afghanistan marka la dhiso dowladda TALIBAN

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa maanta si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamulaya ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Taliban ayaa isku ballaariyey magaalada, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin madaxtooyada. 

Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in kooxda ay maalmaha soo socda yeelan doonto wada-hadallo ku saabsan dhisidda dowlad Islaami ah oo loo dhan yahay.

Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in magaca cusub ee dowladda uu noqon doono Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan, oo ah magacii horey loogu yaqiin intii Taliban ay xukumi jireen, kahor inta aanu Mareykanka ridin 2001.

Hawada magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa diyaaradaha qumaatiga ukaca oo daad-gureynaya shaqaalaha Mareykanka, oo la sheegay inay maalmo ku qaadan doonto inay si buuxda uga baxaan magaalada.

Dadka magaalada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah safiirka Mareykanka.

Waxaa istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook. 

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri. 

Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan. 

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah